Hay’adda SoDMA oo muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka jawaabidda khatarta El Niño

Date:

Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa muqdisho ku qabatay shir looga hadalyo isku-duwidda hoowlaha ka jawaabidda khatarta El Niño.

Shirka oo ay iskugu yimaadeen inta badan dowlad gobolleedyada dalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dowladda federaalka ayuu hadafku ahaa isku duwidda howlaha ka jawaabista khatarta ElNiño.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Adan, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isku xirnaanta dowladda labadeeda heer dhinaca ka jawaabista khatarta El Niño oo qaybo ka mid ah dalka ay ku dhufatay xilli roobaadkan gudahiisa iyo guud ahaan gargaar gaarisiinta bulshada tabaaleeysan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...