Tirade dadka ku waxyelloobay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Falastiin oo korartay

Date:

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeymaha arxan-darrada ah ee Ciidamada Isra’iil ay ku garaaceyaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Qaza iyo magaalooyin kale.

Ciidamada Isra’iil ayaa isbuucii labaad duqeymo culus ka wado magaalada Qaza, waxa ayna magaalada noqotay mid bur burtay ,sidoo kalana ay ka barakaceen inta badan dadkii kunoolaa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Falastiin, Eyad Al-Bozom,ayaa sheegay in duqeymaha Isra’iil ay ku dhinteen dad ka badan 2,750 oo qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9,700.

Eyad Al-Bozom, ayaa sidokale, sheegay in ay jiraan dad ka badan kun qof oo nolol iyo geeri lagu la’yahay, waxa uuna shintaa ku daray in qaarkood ay ku hoos jiraan dhismayaasha ku bur buray duqeymaha Israel.

Ciidamada Isra’iil ayaana wali sii wada duqeymaha ay ku garaaceyayaan magaalada Qaza iyo degaano kale oo Falastiin katirsan, waxa ayna duqeymaha sii badinayaan dhimashada shacabka aan waxba galabsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...