Taliska Booliska oo faah-faahin ka bixiyay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho afaafka hore ee maqaayadda Blue Sky ee degmada Boondheere uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) Agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, halka ay ku dhaawacmen Afar qof oo kale.

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qof iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska.

Qaraxa is-miidaaminta ah oo uu fuliyay naftii-hallige Khawaarijta ka tirsanaa ayaa imanaya xilli uu soo hagaagayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladduna ay Caasimadda iyo gobollada dalka ka waddo howl-gallo ka dhan ah khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...