Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayey waafajinta sharciga dalka ee qoondada matallaadda haweenka ee boqolkiiba 30, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed ee ku jira goleyaasha dowladda dadaalka ay ugu jiraan in dumarku ay si fiican uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Haweenka Soomaaliyeed ay halbowle u yihiin horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka iyo dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Kutladda Haweenka ee Golaha Shacabka ee BFS, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka F.S Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...