Guddoomiye Madaaleโ€ wax aan furimaha Dagaalka ku soo arkay Odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay siday Khawaarij ula dagaalami lahaayeenโ€

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale( Yuusuf Madaale)ayaa ka hadlay dhibkii uu geystay Qaraxii 14-kii October 2017 ay kooxaha khawaarijtu ka geysteen isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho,Guddoomiyaha ayaa sheegay in Khawaarijtu yihiin maafiyo cadow ah oo u heshiiyey shacabka Soomaaliyeed in ay dhammeeyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay isu garabsanayaan sdii ay khawaarijta dabar goyn lahaayeen,guddoomiyaha ayaa xusay in uu furimaha dagaalka ku soo arkay in waayeel iyo dhalinyar ba loo midoobay sidii Khawaarij isaga xorayn lahaayeenโ€Furimaha wax aan ku soo arkay odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay sidii ay deegaanadooda uga xorayn lahaayeen Khawaarijtaโ€ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka looga qayb qaato af,adin iyo dhaqaale,isagoo hambalyeey dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dhexda u xidhay sidii dalka looga dabar goyn lahaa kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...