Guddoomiye Madaale” wax aan furimaha Dagaalka ku soo arkay Odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay siday Khawaarij ula dagaalami lahaayeen”

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale( Yuusuf Madaale)ayaa ka hadlay dhibkii uu geystay Qaraxii 14-kii October 2017 ay kooxaha khawaarijtu ka geysteen isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho,Guddoomiyaha ayaa sheegay in Khawaarijtu yihiin maafiyo cadow ah oo u heshiiyey shacabka Soomaaliyeed in ay dhammeeyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay isu garabsanayaan sdii ay khawaarijta dabar goyn lahaayeen,guddoomiyaha ayaa xusay in uu furimaha dagaalka ku soo arkay in waayeel iyo dhalinyar ba loo midoobay sidii Khawaarij isaga xorayn lahaayeen”Furimaha wax aan ku soo arkay odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay sidii ay deegaanadooda uga xorayn lahaayeen Khawaarijta”ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka looga qayb qaato af,adin iyo dhaqaale,isagoo hambalyeey dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dhexda u xidhay sidii dalka looga dabar goyn lahaa kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...