Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo qaadanaya Dufcadii 3-Aad

Date:

Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo ah hay’ad tacliin sare oo xukuumi ah, looguna talagalay in uu soo saaro saraakiil iyo howlwadeenno leh aqoonta iyo xirfadaha sare ee looga baahan yahay hogoominta iyo horumarinta howlaha amniga qaranka soomaaliyeed waxa uu cidda daneyneysa ogeysiinayaa in uu furmay wajiga kowaad ee is diiwaangalinta barnaamijyada machadku bixiyo.

Machadku waxa uu bixinayaa xilligan afar takhasus oo kala ah:

 Dibloomada Sare ee Maamulka laamaha Amniga (Higher Diploma in Security Institutions Management)
 Dibloomada Sare ee Cilmiga Danbiyada (Higher Diploma in Criminology)
 Dibloomada Sare ee Daraasaadka Amniga (Higher Diploma in Security Studies)
 Dibloomada Sare ee Amniga Fikirka (Higher Diploma in Intellectual Security)

Sidoo kale machadku waxa uu bixinayaa koorsooyin lagu baranaayo luqadaha English-ka iyo Carabiga oo ay bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo si hufan loo soo xulay.

Hadaba si aad u hesho faahfaahinta takhasusyada uu machadku bixinaayo ku dhufo/guji linkigaan:https://bit.ly/HAGAHADIIWAANGELNTAHISS.

Si aad u marto wejiga kowaad ee is diiwaangalinta dibloomooyinka sare ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/DIPLOMAPROGRAMS

Si aad isaga diiwaangaliso koorsooyinka luqadaha English-ka ama Carabiga ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/LANGUAGEPROGRAMS

FG: Hadii aad qabto su’aal ama aad dooneyso faahfaahin dheeri ah, fadlan fariin qoraal ah ku soo dir:

WhatsApp: +252 61 1015024/+252 61 1015020
ama
Email: admission@hiss.edu.so

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...