Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan kula yeelatay magaaladda Geneva Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaanka Aduunka Mr. Martin Chungong.
Marwa Cabdi Bashiir iyo Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaanka Aduunka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga wadajirka ah gaar ahaan doorasharad Guddoonka Midowga Baarlamaanka Adduunka oo lagu wado in ay ka dhacdo bishaan October, dalka Angola.
Xoghayaha Guud Mr. Martin Chungong ayaa Marwa Cabdi Bashiir uga warbixiyay halka ay marayaan diyaar garowga iyo dib u eegista qorshaha shaqo ee howlaha mustaqbalka ee Midowga Baarlamaannada Adduunka.
xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka ayaa waxa u sharaxan afar dowladood oo Afirka oo kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.