Soomaaliya oo ka faa’ideysaneysa adeegsiga Tamarta

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka wadatashiga adeegsiga Tamarta oo maalintii labaad ka socda magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Danjiraha ayaa jeediyay Khudbad muhiim ahayd, wuxuuna carabka ku adeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka faa’ideysiga tamarta iyo iskaashi dhexmara dalalka deriska ah.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....