-Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka soconayo shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York waxa uu kulan kula yeeshay Raβiisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Inta u socday kulanka ay yeesheen labada masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidiiΒ loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladoodΒ ee Soomaliya iyo Itoobiya ee soo jireenka ah,iyadoo raβiisul wasaaraha Soomaaliya u kulamo kala duwaan la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda ka soo qaybgashay shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaaladda New York.
