Hayโ€™adda SoDMA oo Dowladda Qatar kala wareegtay Gargaar mucaawino ah

Date:

Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hayโ€™adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareegayey waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hayโ€™adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale