Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo furimaha ku dhiirri galinaya Ciidamada Jihaadka kula jira Khawaarijta.

Date:

Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanka Bulacle ugu tegay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Xildhibaanada ayaa ciidamada geesiyaasha ku dhiirigeliyey dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta, waxayna furinta ugu geeyeen xoolo nool, iyagoo ka balan-qaaday in deegaan kasta oo cadowga ay ka xoreeyaan ay uga daba-tegi doonaan.

Xildhibaanadaan oo kala ahaa Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, Senator Zamzam Daahir, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, waxaa kormeerkooda ku wehliyey guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Sidoo kale masuuliyiintii iyo saraakiishii ay deegaanka Bulacle ugu tageen waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow, Jeneraal Aadan Abshir Laba-afle, Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Xorogaay iyo saraakiil kale oo ciidanka hoggaaminaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....