Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan la yeelatay madaxweynaha baarlamaanka jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileeta Maxamed Dileeta, kulanka ayaa ahaa sida ay dowladda Soomaaliya u hanan laheed hoggaanka guddoomiyaha Midowga madaxweynaha Adduunka oo lagu wado doorashadiisa sanadkaan la qabanayo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa u diray dhiggisa Dileeta Maxamed Dileeta codsi ah in lagu taageero Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, una sharaxan xilka Midowga madaxweynaha Adduunka,xilkaan ayaa u sharaxan afar dowladood oo Afirka kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.