Wasiirka Kaluumaysiga XFS oo sheegay in la joogo waqtigii ugu danbeeyay ee Khawaarijta.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo la hadlay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ayaa ku baaqay in loo istaago soo gabagabeynya iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta ee weli ka dagaalamaya deegaanada Galmudug.

Wasiirka oo si gaar ah u xusay doorka culumada ayaa sheegay in masha’iikhdu ay sabab u ahaayeen in dalka laga xoreeyo gumeysiga shisheeye ee ku soo duulay dalka,wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha nabad-diidka ah ay doonayaan dib u dhac iyo xasilooni darro guud oo ku habsada dalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xassan Aadan ayaa caddeeyay in guusha ay ku xiran tahay in culumada iyo shacabku ay ku dhaqaaqaan la dagaalanka kooxaha khawaarijta,isagoo dhinaca kale ku taliyay in ay isdaba qabtaan kooxahaasi oo ay isu soo dhibaan ciidamada dowladda si ayuu yiri loo badbaadiyo naftooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...