Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dooxa kulan muhiim ah kulan la yeeshay Dhiggiisa dalka Qatar

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane. Ali Bin Ahmed.

Kulankaan ay magaalada Dooxa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa intii uu socday waxa ay diiradda ku saareen arrimaha hannnaanka Deyn-Cafinta, iskaashaga horumarinta dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta nidaamyada Maaliyadeed ee muhiimka u ah dib-u-habaynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Hey’addaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka Qatar.

“Waxa aan maanta magaalada Dooxa a ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wadahadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda, xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo Arrimaha deyn-cafinta oo hada meel gabo-gaba ah maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo kaddib kulanka uu la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Maaliiyadda ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo R/Wasaaraha ee booqada u jooga dalka Qatar. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar, taageeradeeda ay la garab taagan tahay Dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...