𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐄𝐄𝐑𝐈𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐑𝐗𝐔𝐔𝐌 𝐀𝐗𝐌𝐄𝐃 𝐍𝐀𝐀𝐉𝐈 𝐒𝐀𝐂𝐀𝐃.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum  Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in Marxuum Axmed Naaji Sacad uu ahaa abwaan, Fannaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Naaji Sacad, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Abwaanka lagu yaqaanay waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...