Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Ciidanka Xoogga ee ku sugan furimaha hore ee Dagaalka Bariga gobolka Galgaduud

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga furimaha hore  ee dagaalka ayaa halkaas kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la hadley guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah oo ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, isagoo u tilmaamay muhiimadda uu leeyahay dagaalka ay ciidanka kula jiraan khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyay guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah iyo guud ahaan ciidanka Qaranka baacsiga Khawaarijta firxadka ah iyo goobaha badan ay xoreyeen , waxuuna sheegay in dhawaan la soo afjari doono kuwa dhuumaaleysiga ku jira ee Diinteenna suubban ka been sheegtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka oo uu ka socdo hawlgallada dalka looga sifeynayo Firxadka Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...