-Madaxweynaha Hirshabeelle oo Labadii cisho ee la soo dhafay kormeer ku tagay furimaha ee dagaalka gobolka Shabeellaha dhexe oo sheegay in Khwaarijta dhawaan laga saari doono deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan goboladda Hirshabeelle.
”Nimaankaan Khawaarijta ah waa jabeen,rafashadii ugu danbeysay ayey ku jiraan,waa laga adkaaday marqaati waxaad ka tihiin in xabadii looga soo bilaabay Jubbo iyo Fiyaad maantana waxaa lagula dagaalamaya Ceelbuur iyo Cowsweyne taas ayaa waxay ku tusaysaa in ay dhameystir u baahan yihiin,wixii dhimana waa la dhameystirayaa,waxaan ka mahadcelinaya sida aad u abaabulan tihiin ee aad isku diyaariseen,qofkii dhinta ilaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo balse sharaf waa in aan ku noolaano”.