Xukunka Xaasaskii Khawaarijta ee la qabtay iyagoo Gaari qaraxyo ku sida.

Date:

Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan.

Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday

Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

 

W/Q Ahmed Ali Kaahiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...