Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Caliโ€ Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Date:

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qayb galay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Khawaajirta ee u garwadeenka ka yahay Madaxweynah JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana u sheegay in dagaalkaan looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug Argagixisada u yahay mid horseedidoona horumar iyo xasiilooni nabadeed oo ay helaan goboladda dhexeย  ee dalka si loo sii anba qaado xoojinta ciribtirayo qaybah yar ee ay ku dhumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

โ€œShacabka Soomaaliyeed waxay u tahay ididiilo fiican in madaxweyne Xasan Sheekh u horseed u noqodo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijtaย  oo u ka dhabeeyay in u waddanka ka ciribtirayo,runtii waa hoggaamiye dagaal,dad badan ayaa islahaa toban barri ka dib ma joogi doono oo madaxweynaha dib ayuu ugu soo laaban doona madaxtooyada,balse waxaa u caddeyay in u la yimid adkeysi oo u dagaalka meel fiican gaarsiyay oo usan ka soo tagin,run ahaantii reer Galmudug waxay u tahay fursad in deeggaannadooda lag xoreyo Khawaarijta.

Ciidankaย  markii uu hoggaamiyahoodu uu horsocdo,la cunayo,lana cabayo dhiirigelin ayey u tahay khawaarijna waa jabkoodaโ€

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wasiirka u siiyay Barnaamijka Raadraac oo uga hadlayay ifafaalah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale