Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali” Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Date:

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qayb galay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Khawaajirta ee u garwadeenka ka yahay Madaxweynah JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana u sheegay in dagaalkaan looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug Argagixisada u yahay mid horseedidoona horumar iyo xasiilooni nabadeed oo ay helaan goboladda dhexe  ee dalka si loo sii anba qaado xoojinta ciribtirayo qaybah yar ee ay ku dhumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay ididiilo fiican in madaxweyne Xasan Sheekh u horseed u noqodo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta  oo u ka dhabeeyay in u waddanka ka ciribtirayo,runtii waa hoggaamiye dagaal,dad badan ayaa islahaa toban barri ka dib ma joogi doono oo madaxweynaha dib ayuu ugu soo laaban doona madaxtooyada,balse waxaa u caddeyay in u la yimid adkeysi oo u dagaalka meel fiican gaarsiyay oo usan ka soo tagin,run ahaantii reer Galmudug waxay u tahay fursad in deeggaannadooda lag xoreyo Khawaarijta.

Ciidanka  markii uu hoggaamiyahoodu uu horsocdo,la cunayo,lana cabayo dhiirigelin ayey u tahay khawaarijna waa jabkooda”

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wasiirka u siiyay Barnaamijka Raadraac oo uga hadlayay ifafaalah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...