Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe

Date:

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow),Faysal Cabdulaahi Warsame,Maxamed Xasan Cumar.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.

Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....