Ciidanka Booliiska oo faahfaahin ka bixiyey Weerar naftii halignimo ah oo kooxda Khawaarijtu ka geysatay Degmada Kaxda

Date:

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyey Weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu xalay ku qaaday Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhowed Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Weerarkan oo ahaa mid naftii halignimo ah ay iska difaaceen Ciidankii ku sugnaa Saldhiga Booliiska iyo Ciidanka Booliis Militaare oo heegan ku ahaa Saldhiga,sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada laba Askari oo ka mid ah Ciidankii ku jiray gaadhka iyo dhaawaca Saddex Askari oo kale.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in laba qof oo Shacab ahi ku dhaawacmeen Rasaas kooxdka Khawaarijtu ku furtay guryaha ku dhowaa Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda,dhinaca kale na Afhayeenka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Khawaarijtii Weerarka soo qaaday Ciidanku gaarsiiyey khasaare culus oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...