Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababbar u furay xubno ka socda Warbaahinta Dowladda

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale ayaa maanta Magaalada Mogadishu Tababbar uga furay in ka badan 20 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta,Taliska Ciidanka Xoogga iyo Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,tababbarkan ayaa socon doona mudo saddex cisho ah.

Tababbarkan ayaa ku saabsan dabagalka xogaha iyo la dagaalanka Wararka kooxaha Khawaarijtu ku faafiyaan Warbaahinta kala duwan,Agaasimaha Guud ayaa xusay in tababbarkan kaalin weyn ka qaadanayo dagaalka Dalka looga xoraynayo kooxaha khawaarijta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka qayb galayaasha tababbarkan kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababbarkan oo muhiim u ah la dagaalanka wararka iyo fikradaha gurracan ee kooxa Khawaarijta ku fidiyaan Baraha Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...