Agaasiimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Madax ka Socotay Hay’adda UNICEF

Date:

Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DFS Dr. Guleed Cabdijaliil ayaa Xarunta Wasaaradda  ku qaabilay Madaxa ugu sareeya Hay’adda UNICEF Soomaaliya Saciid Wafaa.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd Isbarasho iyo  kala warqaadasho labada dhinaca gaar ahan shaqooyinka iyo Mashaaricda ay qeybta katahay Hay’adda UNICEF.

Agaasimaha Guud ayaa diiradda saaray xoojinta Qorshaha  ee iskaashiga dhanka horumarinta Adeegyada Caafimaadka iyadoo laraacayo Hanaanka Xirmooyinka Adeegga Caafimaadka Aasaasiga, iyo Nidaamyada Caafimaadka guud si Soomaaliya ay u gaarto Yoolka Caafimaaka loo dhanyahay ee Caalamiga ah #UHC.

Madaxa Hay’adda UNICEF ayaa kaga mahadcelisay Wasaaradda Caafimasdka sida daahfurnaanta ah ay ula shaqeyso qaybaha kala duwan ee Hay’adda UNICEF iyada oo ka dhawaajisay isbadalada muuqda ee  Wasaaraddu ku talaabsatay Mudadii lasoo dhaafay taas oo la dhihi karo Wasaarada Caafimaadka waxey Tusaale u noqon kartaa Wasaaradaha kale ee dalka sida Fulinta Mashaariicda, hagaajinta Nidaamyada Xogta iyo Hanaanka Maaliyadda iyo Isla Xisaabtanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...