In ka badan 60 muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen badda u dhow xeebta Cape Verde

Date:

In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen  kadib markii dooni ay la socdeen  muhaajiriin laga helay xeebaha Cape Verde’ ee galbeedka Afrika.

Soddon iyo siddeed qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo la arkayay muuqaallo muujinaya dadkaas oo lagu caawinayo xeebta, qaarkoodna ay saaran yihiin sariiro, jasiiradda Sal.

Ku dhawaad ​​dhammaan dadkii la socday doonta, oo badda ku jirtay  muddo bil ka ah  badan, ayaa loo maleynayaa  inay ka yimaadeen Senegal.,Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado socdaalka si looga hortago khasaaro kale oo nafeed.

Markabka ayaa markii ugu horreysay la arkay Isniintii, sida ay booliisku u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in doonida ay degtay balse markii dambe ayaa la cadeeyay in la helay iyadoo sii socota.

Doonta nooca alwaax ah ayaa lagu arkay  meel 320km  u jirta Sal, oo ka tirsan Cape Verde, iyadoo ay la socotay dooni kaluumaysi oo Isbaanish ah, taasoo dabadeed u wargalisay  maamulka, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka badbaaday waxaa ku jira afar carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 16 jir, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Doonta ayaa ka soo baxday tuulada Fasse Boye ee dalka Senegal 10-kii bishii Luulyo iyadoo ay saarnaayeen 101 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Senegal Talaadadii, iyadoo kasoo xiganaysa dadka  badbaaday.

 

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...