Washington: Iskaashiga difaaca ee Pyongyang iyo Moscow waxuu ka hor imanayaa Qaraaradii Qaramada Midoobay

Date:

Mareykanka ayaa galinkii danbe ee shalay ku dhawaaqay in heshiiska hubka ee ay gaareen Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, uu xad gudub ku yahay go’aannadii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay horay u gaareen.

“Nooc kasta oo iskaashi amni ama heshiis hub ah oo dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka waxa hubaal ah in uu ka soo horjeedo go’aanadii taxane ahaa ee golaha ammaanka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, Vedant Patel.

Arrinkan ayaa salka ku haya kadib markii isla shalay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku baaqay inuu xoojinayo iskaashiga kala dhexeeya Pyongyang, isaga oo warqad uu u diray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ku booriyay inay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga ammni ee ka dhaxeeya labada dal.

Hadalkan ka soo baxay Mareykanka, ayaa ku soo beegmaya xilli Washington ay damacsantahay in Jimcaha soo socda ay marti galiso shir madaxeed u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kaas oo ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Ammni ee saddexda waddan iyo khatarta kaga imaan karto Kuuriyada Waqooyi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...