Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay deegaanno u dhexeeya Hiiraan iyo Galgaduud

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad  ee Cali Binu Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyay tuulooyinka Ceel gorof , Ceel boorre iyo Geeddi koror oo u dhaxeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha  guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib gaashaanle, Ismaaciil Cabdi Maalik Maallin,  waxayna  ciidamadu ku guuleysteen in ay  isku furaan waddada xiriirisa Degmada Maxaas iyo Wabxo.

Ciidanka xoogga ayaa intay howlgalka ku jireen waxay waddooyinka qaar ay  ka saareen miinooyin ay argagixisadu ku aaseen, iyadoo malleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaana ay isaga carareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...