Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin khawaarijta

Date:

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan khawaarijta u diray digniinno culus, wuxuuna faray in ay isaga fogaadaan shacabka goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...