Sawirro: Madaxweynaha JFS, Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe oo xariga ka jaray Laanta Bankiga ee Galmudug

Date:

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka goโ€™antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.

ย 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...