Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda Caalamiga ah oo hawlgal Qorshaysan 5-tii bishan ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaaas oo qiyaastii 80 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay 45 dhagarqabe oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo nala hadlay ayaa sheegay in Hawlgalka lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, isagoo intaas ku daray in xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta uu shir uga socday Koox Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Xaruntaan ayaa lagu daweynayey in ka badan 110 ka mid ahaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku dhaawacmay howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo jiifay ilaa 30 teendho oo si KMG ah loogu dabiibayay sida aan xogta ku helnay.

Horjoogayaasha halkaas ku sugnaa oo gaaraya ilaa.10 Khawaarij ah ayaa la sheegay in ay ka arrinsanayeen maareynta dhaawacyada halkaas lagu haayay oo ay ku jireen kuwa qabo dhaawacyo halis ah un baahnaa gar-gaar ka badan kan meesha loogu haayay sida uu nala wadaagay sargaalka ka tirsan Xoogga Dalka ee nala hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb u gaaray dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...