Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda Caalamiga ah oo hawlgal Qorshaysan 5-tii bishan ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaaas oo qiyaastii 80 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay 45 dhagarqabe oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo nala hadlay ayaa sheegay in Hawlgalka lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, isagoo intaas ku daray in xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta uu shir uga socday Koox Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Xaruntaan ayaa lagu daweynayey in ka badan 110 ka mid ahaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku dhaawacmay howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo jiifay ilaa 30 teendho oo si KMG ah loogu dabiibayay sida aan xogta ku helnay.

Horjoogayaasha halkaas ku sugnaa oo gaaraya ilaa.10 Khawaarij ah ayaa la sheegay in ay ka arrinsanayeen maareynta dhaawacyada halkaas lagu haayay oo ay ku jireen kuwa qabo dhaawacyo halis ah un baahnaa gar-gaar ka badan kan meesha loogu haayay sida uu nala wadaagay sargaalka ka tirsan Xoogga Dalka ee nala hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb u gaaray dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...