Wasiirka difaaca XFS iyo ku xigeenkiisa oo maanta hor tagay guddiga difaaca Qaranka ee Aqalka sare BFS

Date:

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta u yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir  Maxamed Nuur iyo Cabdifitaax Qaasim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca si ay su’aalo uga weydiiyaan howlaha Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga wax laga waydiiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda, halka ay marayaan howlgallada Dalka looga xoreynayo argagixisada, guulaha laga gaaray wejigii koowaad, qalabka iyo tababarrada Ciimadamada, weerarkii kulliyadda Jaalle Siyaad iyo su’aalo kale, taas oo Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenku ay si faahfaahsan xubnaha Guddiga ugu war bixiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare Senator, Aadam Cabdinaasir oo kulanka shir guddoominayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad celiyay sida hufan ee ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...