Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto xatooyo xoolo dad weyne.
Xubnaha ay maanta maxkamaddu dacwaddooda dhagaysanayso ayaa waxaa ka mid ah, Abuukar Maxamed Cali maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga dhaxe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga dhaxe qeybta dakhliga ajaanibta