Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhimatey  dalka Pakistan kadib qarax ka dhacay isu soo bax siyaasadeed oo Islaami ah

Date:

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan oo uu ka socday isu soo bax uu soo qabanqaabiyay xisbi Islaami ah.

In ka badan 100 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay waqooyi-galbeed ee degmada Bajaur, halkaas oo ay shir ku lahaayeen Jamiat Culema-e-Islam-Fazl (JUI-F).

Booliska ayaa BBC-da u sheegay in ay heleen cadeymo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah.

Howlgallo samatabixin ah ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana dhammaan dadkii ku dhaawacmay la dhigay isbitaal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saraakiisha ayaa sheegey in dhimashadu ay intaas ka sii badato, maadaama 15 qof ay ku sugan yihiin xaalad halis ah,Wali ma cadda sababta ka dambeysa weerarka.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda baaritaan la xiriira qaraxa.

Hoggaamiyaha gobolka ee JUI-F, Maulana Ziaullah, ayaa ku dhintay qaraxa, sida ay saraakiisha maxalliga ah u sheegeen BBC.

JUI-F waa xisbi diini ah oo weyn, wuxuuna qayb ka yahay isbahaysiga dawladda ee baarlamaanka Pakistan.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku eedeeyay kuwa mas’uulka ka ah inay yihiin argagaxiso “bartilmaameedsaday kuwa u hadla Islaamka, Qur’aanka iyo Pakistan” wuxuuna sheegay inay wajihi doonaan “ciqaab dhab ah”.

“Argagixisadu waxay cadaw ku yihiin Pakistan, waanu ka ciribtiri doonnaa wejiga jiritaanka,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri hadal uu soo saaray.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...