Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)

Date:

Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii waxay aheyd  xiligii  Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ay ka sameeyeen,

Magaalada Muqdisho iyo Deegaannadii ay maamuli jireen, iyagoo si kasta u boobay, sidoo kalena waxaa jira in ay ku milmeen hey’ado muhiim u ah Dowladda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay joojinta dhaqaalaha baada ahaa ee ay helayeen

Maleeshiyaadka Al-Shabaab, lana yareeyay weeraradii ay ka gaysan jireen caasimadda Muqdisho, sidoo kalena hey’adaha dowladda ayaa laga dhex saaray shaqsiyaad gacan saar la lahaa cadowga, hadana wali shaqo badan ayaa u taala dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalka amni daro ee Caasimadda, waxayana Dowladdu u sameysay Sharciyo lagula dagaalamayo Argagixisada, kuwaasi oo wax weyn ka taray dabargoyntooda.

Laakiin tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka (NISA) ay shaqadaasi toos ah u  bilowday waxaa jira saraakiil la soo shaqeeyay madaxdii dowladii hore oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta Dowladda ku dhacaan, lagana jaaseeyo wixii ay ummadda ka galeen ama ku dhibaateeyeen, qaarkood waxay ka mid ahaayeen Dadkii u fududeyn jiray in la soo galiyo Magaalada Muqdisho Qaraxyada ay ku waxyeeloobeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

Kala firxadkooda ayaa waxaa ka dhalatay in Magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan Shucuubta ku dhaqan Magaalada, Raiisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa yiri, “In galabta aan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda”.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu uga qeybgalay Degmada Heliwaa kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hey’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqeynta hey’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabadgalyo ah lagu tagi karo, taasina ay qeyb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hey’ada amniga.

“Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.“Waxaa intaa sii dheer oo ay heleen shantaasi sano in ay Khawaarjtu gasho kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan.

Shacabkayagoow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu sidey maanta tahay ma ahaateen.

Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta. Halgankaan wuu soconayaa idanka Ilaahey Guushana Shacabkaa leh”, ayuu sii raaciyay Wasiirku hadalkiisa.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xooggan oo Dowladdu ka waddo Degmada Guricel ee Gobolka Galguduud, iyadoo lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee looga sifeynayo Kooxda Argagixisada la qorsheeyay looga saarayo degaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo uu maalmaha foodda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan, waxaana Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada faro ku tiriska ah ay ka joogaan Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwaasi oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garobaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug, wararka ayaa sheegay in sidoo kale la abaabulaayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka Dhuusa mareeb ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga 1-aad ee dagaalka, halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro dhawaan farsiinna ka dhigto magaalada Dhuusa mareeb, kana hagi doona Howlgalada, halka Magaalada Aadan Yabaal ay noqon doonto fariisinka 1-aad, waxaana la qorsheeyay inuu Madaxweynaha uu muddo 2-bilood ku negaan doono degmooyinkaasi, si loo soo dhameystiro Duulaankaasi, si loogu soo jeesto Wejiga 2-aad oo isagana ka bilaaban doono Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku si ula dagaalanto qolooyinka Qaaqlayaasha ah iyo Khawaarijta Al-shabaab, waayo waa isku Af, mar-marna waxaa la dhihi karaa waxayba u yihiin afhayeenno, oo waxay ka hadlaan waxay ay bi’iyeen ayay ku faanaan Jabka Khawaarijtana aad bay uga qeyliyaan, ama uga naxaan, marka waxaan oran karnaa Qaaqlayaasha iyo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab waxay noqdeen kuwo isku Af

ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...