Guddiga Madaxa-bannaan ee hirgalinta Dastuurka oo bilaabay kaa doodista heshiisyaddii MWQ

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mudane Maxamed Xasan Idiris ( Ganey) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka maalin laha ah ee guddiga oo diirada lagu saarayay sidii luuqad Dastuuriya loogu badeli lahaa Heshiisyadii Madasha Wadatashiga Qaran ay gareen oo guddigu la wareegay 26-kii bishaan Luulyo iyagoo kala wareegay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka KMG ah ayaa maalmahaan waday kashaqaynta iyo wax ka badelka cutubyadda 1-aad Ilaa 4-aad ee Dastuurka KMG ee JFS, isla-markaana cutubyada hore ee Dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...