Taliyaha ciidan Booliska Soomaaliya oo Belgrade kula kulmay saraakiisha ammaanka ee dalka Serbiya

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Sulub Axmed Firin ayaa magaalada Belgrade kula kulmay madaxda ugu sarreysa dalka Serbia, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, musuq maasuqa, dambiyada ka dhaca xudduudaha iyo dambi barista.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Bratislav Gašić, Taliye ku xigeenka Booliska Serbia General, Miomir Pajić, Taliyaha Arrimaha dibedda iyo Taliyaha Booliska caalamiga Col. Miloš Andjić, taas oo ah tallaabo kale oo loo qaaday xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Serbia.

Wada shaqeyntan ayaa qeyb ka ah 44 askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo a dhawaan tababar ku qaadan doona dalka Serbia.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Seerbiya ay tababar siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya, iaydoo horay loogu soo tababaray ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...