Milatariga Suudaan oo ka digay in ciidamo Nabad ilaalin ah loo soo diro dalkooda

Date:

Taliska ciidamada Milatariga Suudaan ayaa si weyn u diiday hindise ay hormuud ka tahay Kenya oo ku aaddan in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Bariga Afrika ay ka qeyb qaataan soo afjarida colaadda ka aloosan dalka Suudaan in ka badan 100 maalmood, waxayna shegeen haddii ay dhacdo taasi in ciidamadaas aysan dib ugu laaban doonin halkii ay ka yimadeen.

Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, Sarreeye Guud Yaasir Al-Atta, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay haddii ay dhacdo in dalkooda la keeno Ciidamo ay gadaal ka riixeyso Dowladda Kenya, uusan midkoodna dib u laaban doonin.

Intii uu socday dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Suudaan iyo xoogaga taageerada degdega ah, waxa soo gaaray codsiyo badan oo dhexdhexaadin caalami ah, laakiin laguma guulaysan in si mug leh loo soo afjaro ama la joojiyo dagaalka.

Horaantii bishan, ayay aheed markii urur goboleedka Bariga Afrika oo ay Kenya xubin ka tahay uu soo jeediyay hindiso ciidamo nabad ilaalin ah la geeynaayo Suudaan, si xal loogu helo dagaalka ka socda dalkaas.

Ciidanka Suudaan ayaa marar badan Kenya ku eedeeyay in ay gacan siineyso Ciidamada Taageerada degdegga ah, waxayna Sarakiisha ugu sareysa Ciidamada Suudaan ku celceliyeen in Ciidankasta oo nabad ilaalin ah ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna ka go’antahay inaay la dagaalamaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...