Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee Degmada Ceeldheer ayaa shalay la guddoonsiiyay xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka timid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed.
Muno C/qaadir Hooleey oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, islamarkaana ka soo jeeda Deegaanka Ceeldheer ayaa xoolo lagu dhiirigelinayo ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Muno oo deegaan ahaan ka soo jeedaa degmooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xaradheere ayaa maanta 40 neef oo Ari ah ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka ee ku jira furimaha hore dagaalka ee magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay Muuma Hooleey garab istaaga ay u muujisay Ciidamada u taagan difaaca dalka.
Muuna Hooleey waxay horey Xoolo nool ugu deeqday Ciidamada ku kala sugan Magaalooyinka Galcad iyo Masaqawaa oo ka tirsan Gobolka Galguduud.