Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shirka Qaramada midoobey ee cuna yarida

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo, maadaama dalagyada ka baxa Soomaaaliya ay ka kooban yihiin dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha.

“Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka, taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar iyo argagixisada oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed, dowladduna ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta argagixisada, iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye...