Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gambaad u ahaa Khawaarijta

Date:

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gambaad u ahaa Khawaarijta kuwaas oo hoostaga dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud .
Degaanada howlgallada laga sameeyey ayaa kala ahaa Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo Cowsweyne waxeyna Bariga kaga began yihiin degmada Galcad.
Ciidanka oo kaashanayey shacabka ayaa burburiyey fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanadaas iyaga oo sidoo kale wadooyinka ka soo saaray Miinooyin deegaanada howlgallada laga sameeyey.
Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkan ayaa sheegay inay kawar heleen dhagarta Khawaarijta ay u soo maleegayaan shacabka taasoo keentay in howlgaladaan la laga fuliyo deegaanadaan hoos yimaada Galcad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Duqa Muqdisho oo soo xiray madasha Doonista Maqaamka Matalaada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf...

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo ka qeybgashay shir caalami oo ka dhacay magaalada Jeddah

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda...

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed 

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane...