Wasiirka Dhallinyarada XFS oo hortegay Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka Sare BJFS  

Date:

 Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ka saaran la xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo uu hogaaminayo Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Marwo Fahmo Axmed Nuux.

Kulanka oo la isku dhaafsaday su’aalo, warbixinno iyo falanqayn ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, ayaa si gaar ah Wasiirka wax looga waydiiyay qorshe howleedka wasaaradda, siyaasadda Qaran ee Wasaaradda uga taalla dhallinyarada, horumarinta ciyaaraha Dalka, garoomada ciyaaraha, xiriirka Wasaaradda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowlad Federaalka iyo su’aalo kale oo muhiim aha.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo Wasiir ku xigeenka ayaa masuuliyinta Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare, waxay faahfaahin dhamaystiran ka siyeen dhammaan su’aalihii ay ka qabeen howl-qabadka Wasaaradda.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo kulanka su’aalo waydiinta ah soo xiray ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha, sida ay warbixinta uga siiyeen su’aalihii ay qabeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...