Soomaaliya iyo Bakistan oo iska kaashanaya horumarinta Barnaamijka Teknoloojiyadda

Date:

Barnaamijka Comsec oo ah Barnaamij ay iska kaashanayaan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Bakistan iyo wasaaraddaha kala ah arrimaha dibadda iyo Seyniska iyo Teknoloojiyadda waddamkaas, ayaa laga daah-furay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Daah-furka Barnaamijka muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay labada wasaaraddood iyo sii-hayaha safiirka safaaradda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barta Dalkaas.

Ugu horeyn, Dr. Maxamed Iqbaal , agaasimaha guud ee Barnaamijka Comsec ayaa sheegay in loo baahan yahay sare u qaadista xiriirka waddamada ku mideysan ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), si xalal waara looga gaaro baahiya markaas taagan.

Sidoo kale, sii-hayaha safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Bakistan Mudame Shirwac Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo dhinaca Teknoloojiyadda, isagoo agaasinka Comsec uga mahadceliyay daah-furka Barnaamijkan muhiimka u ah Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa bixin doonna ilaa 10-deeq waxbarasho (chollarship),seminaaro iyo tababaro la xiriira cilmi-baarista seyniska iyo Teknoloojiyadda, kuwaas oo looga faa’ideyn doonna ardayda Soomaaliyeed ee daneyneysa Barnaamijkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...