Aljeeriya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiisyo kala duwan

Date:

Shiinaha iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday heshiisyo ka koban 19 cutub oo sare loogu qaadayo amniga, difaaca is-dhaafsiga tignoolajiyada iyo iskaashiga dhinaca beeraha.

Heeshiisyadan ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, uu booqasho rasmi ah oo qaadaneysa Shan maalmood uu ku tagay dalka Shiinaha, taasoo ah tii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada dhamaadkii 2019-kii.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, madaxtooyada Algeria ayaa sheegtay in heshiisyadan ay muhiimad istiraatijiyadeed u leedahay Beijing iyo Algeria.

Sannadkii 2014-kii, ayay aheed markii ugu horeeysay ee dalalkan ay yeeshaan iskaashi dhammaystiran, iyadoo Aljeeriya ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Carbeed oo xiriir dhameystiran la yeesha Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...