Wasiirka warfaafinta oo daah-furay dood wadaag ku aaddan gaarista Soomaaliya oo nabad ah

Date:

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay dood wadaag ku saabsan gaaridda Soomaaliya oo nabad buuxda hesha, fikradaha xagjirka ahna laga cirib-tiray.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa munaasabada furitaanka ka sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud inay ka go’antahay in Soomaaliya la gaarsiiyo marxalad ay ka faa’iideysato khayraadkeeda, dhallinyaradeedana loo abuuro mustaqbal ifaya oo wanaagsan, isagoo tilmaamay in doodaha furan ay ka mid yihiin 3-da jiho ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dagaal ciidan, mid dhaqaale iyo midka fikirka ah oo bulshada looga wacyi galiyo khatarta fikirka xagjirka khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Khawaarijta kaalinta kaga aaddan ay sii xoojiyaan, si loo soo afjaro Khawaarijta dadka nabadda u diiday, isagoo doodda u rajeeyey in ka soo baxaan aragtiyo maangal ah oo bulshada waxtara.

Dood wadaagga waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Booliska, Maamulka gobolka Banaadir, Culimada Soomaaliyeed iyo boqolaal shacab ah, iyadoo laga filayo in ay ka soo baxaan aragtiyo wanaagsan oo qeyb wayn ka qaata dagaalka ka dhanka fikirka xagjirka ee Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...