Madaxweeynaha Dowladda Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ugu sameeyay casho sharaf madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan IESG oo qaabbilsan arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyeynta, kuwaas oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.
Madaxweeynaha ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha dimuquraaddiyeynta iyo horumarka degaannada dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug oo casho sharaf u sameeyay madax ka socotay Qaramada Midoobay
Date: