Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Budbud oo lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Date:

Howlgalka qorsheysan oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen shalay galinkii dambe deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.

Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaas lagana war helay xogtooda.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooba dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta kawada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...