guddoomiye sheekh aadan madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS oo looga hadlaayay dib u furida kulamada Golaha iyo soo bandhigista nuqulada iyo ajandeynta kulamada ka harsan kalfadhiga seddaxaad.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada Golaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda, dib u eegista dastuurka KMG ah iyo heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha. Waxaana laisku raacay in guddi gaar ah oo katirsan guddiga joogtada loo saaro, kaas oo kasoo tala bixiya go’aankii ama heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen isla-markaana warbixintooda ku soo celiyaan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...