Ciidamada Booliiska oo Gacanta ku soo dhigay Rag ku eedeysan burcadnimo

Date:

Taliska qeybta guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay howlgal ay sameyeen Ciidamada Booliiska, gaar ahaan Ciidamada booliiska ee ka howlgala Saldhigga degmada Yaaqshiid, ay kusoo qabteen burcad hubeesan oo ku howlanaa dhac ay u geeysanayeen dad shacab ah, kuwaasi oo adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan bajaajta.

Warkan ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliiska ay qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaa oo bistoolad iyo toorey dadka ku baaranayay xaafado ka tirsan degmada Yaqshiid ee gobalka Banaadir.

Booliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in burcadan gacanta lagu soo dhigay loo gudbin doono sharciga, sidokale, waxa ayna sheegeen in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcada ah ee caadeestay dhaca iyo cabsi galinta dadka shacabka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...