Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo bandhigay 9 Horjooge oo ka tirsanaa Kooxda Argagaxisada ah ee Daacish oo Ciidanku gacanta ku soo dhigeen.
Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Hor-joogayaal ka tirsanaa kooxda Argagixisada ISIS/Daacish kuwaas qaarkood isku soo dhiibeen Ciidamadda.
Dhawaan ayey aheyd markii Ciidanka Difaaca Puntland, Guutada 9-aad ee Onkod oo kaashnaya Ciidanka Booliska Puntland howlgal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacana ku dhigaan 9 Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish.
Hawl-galka oo laga fuliyey degaannada Camaamo iyo Siido ee Degmadda Balidhidhin Gobolka Bari.
Kooxdaani isa soo dhiibtay ee ka tirsanaa khawaarijta ayaa u kala dhashay dalalka Suudaan, Suuriya, Itoobiya kuwaas oo mudda ka tirsana khawaarijta.
Muqdisho-Somalia