Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar oo lagu maamuusayay xuska 63-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobolada Waqooyi xorriyada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska islamarkana dhulka Soomaaliya laga taago Calanka Buluuga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay qiimaha ay habeenkan 26-June ugu fadhiso malaayiinta ummadeed ee wadaagta isirka Soomaaliya maadaama ay ku beegaan tahay markii ugu horeysay oo uu dhul Soomaaliyeed ka xorroobo gumeyste shisheeye islamarkaana ka babado Calanka JS.